Xisbullaah iyo Israa’iil oo gantaallo is weydaarsanaya

Ciidamada cirka Israa’iil ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay weerareen “xarunta hawlgalka” ee kooxda Islaamiga ah ee Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale sheegay in ay garaaceen “kaabayaasha argagixisada” oo ay ku jiraan “goobaha weerada laga soo qaado” iyo “bakhaar hubka ah”.

Shalayna kooxda Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerar gantaalo ah ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Israel oo ay ku jirto meel u dhow magaalada Metula ee waqooyiga dalkaasi ku taal,waxana ay shaacisay dhimashada lix ka mid ah dagaalyahanadeeda muddo 24 saac ah.

Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warrantay in laba qof oo rayid ah la dilay maanta – mid waxaa toogtay askari Israa’iili ah, mid kalena wuxuu dhintay ka dib duqayn cirka ah oo Israa’iil ka geysatay tuulada Markaba, sida uu qoray wargeyska afka Faransiiska ku hadla ee L’Orient-Le Jour.

BBC ma awoodo inay xaqiijiso faah-faahinta mid ka mid ah warbixinadan.

Ururka Xisbullah ayaa xulafo la ah Xamaas, waxaana ay gacanta ku hayaan ciidamada ugu awooda badan dalka Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker