Jilaagii caanka ahaa ee la weysanaa oo la helay xubno ka mid ah meydkiisa
Haraadiga meyd bani’aadam ayaa laga helay buuro ku yaalla California waxaana la xaqiijiyay inay yihiin kuwa jilaaga Britain u dhashay Julian Sands, oo la waayay bishii January.
Dad halkaas socod ku marayay ayaa helay Sabtidii, sida ay booliisku sheegeen, haatan ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay yihiin xubnaha jilaagan.
Sands, oo 65 jir ahaa, ayaa aad loogu xusuustaa filimkii ku guuleystay abaal-marinta Oscar ee A Room With A View iyo ruwaayadaha 24 iyo Smallville.
Sands ayaa la waayay 13-kii 13 January xilli ay xumeyd cimilada xaafadda Baldy Bowl ee Buuraha San Gabriel.




