Hogaamiyaha Chechnya oo sheegay waxa uu ka xanaaqay hogaamiyaha Wagner

Nin ay muddo dheer xulufo yihiin madaxweyne Putin ayaa si kulul u weeraray “kibirka” hoggaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin, isagoo sheegay inay taasi keeni karto “cawaaqib khatar ah”.

Qoraal uu soo dhigay Telegram ka dib markii hogaamiyaha Wagner uu ka baxay mgaalada Rostov, hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa sidoo kale sheegay in Prigozhin uu ka xanaaqay silsilado heshiisyo ganacsi oo aan guulaysan.

Kadyrov, hogaamiyaha jamhuuriyadda koonfureed ee Ruushka, ayaa sheegay in uu mar hore kula taliyey hogaamiyaha kooxda Wagner in uu dhinac iska dhigo arrimihiisa gaarka ah.

“Waan la hadlay Prigozhin, waxaan ku boorriyay inuu ka tago hammigiisa ganacsi oo uusan kumilin arrimaha muhiimka ah ee qaranka, waxaan u maleynayay inuu i maqlay, laakiin waxaa i soo baxday in xanaaqiisa isaga ku jira uu sii kordhayay intii mudo aheyd

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker