Maxaad ka ogtahay qaladaadka ka dhashay qaadashada & qaybinta Kaadhka codeynta Doorashooyinka Somaliland

Maxaad ka ogtahay qaladaadka ka dhashay qaadashada & qaybinta Kaadhka codeynta Doorashooyinka Somaliland?

Tan markiii uu Somaliland ka bilaabmay wejiga 1aad ee qaybinta Kaadhka codeynta Doorashooyinku, waxa soo baxaya dhibaatooyin ay wajahayaan dadka shacabka ah ee doonaya inay kaadhkaas qaataan.

Qaar ka mid ah dadkii is-diwaangaliyey ee qaadan lahaa kaadhka codeynta ayaa waxay kala kulmeen goobihii ay tageen inay ka waayaan kaadhadhkii ay sugayeen ama doonteen, inkastoo ay haystaan waraaqihii ay isku diwaan-galiyeen. Xubnihii matalayey guddida Doorashooyinka ee shaqadaas gacanta ku hayey ayaa waayey meel ay ku sheegaan kaadhadhkaas muwaadiniintu raadinayaan.

Hawl-wadeenada goobaha qaarkood ayaa ku war-galiyey dadkii kaadhadhka raadinayey inay la xidhiidhaan xarunta dhexe isla markaana cabashadooda u gudbiyaan, waxaanay jawaabtii ay dadkaasi ka heleen xarunta dhexe ee guddida Doorashooyinku noqotay muran aan xal lahayn. Dadkiina waxa laga soo qaadey kuwo aan is-diwaangalin.

Dhanka kale gobolka Togdheer waxa ka taagan cabasho ku aadan in dadka qaarkood degmooyinkey ay iska-diwaangaliyeen kuwo aan ahayn lagu qorey kaadhadhkoodii, tusaale; Dadkii iska-diwaangaliyey Buuhoodle ayaa kaadhadhkoodii lagu qorey Oodweyne oo masaafo ahaan aad uga fog.

Waxa sidoo kale cabasho xoogan ka taagan tahay wacyi-galin la’aan dalka oo dhan ah, kaadhadhka soo noqdey iyo mudada qaybinta kaadhadhka oo aad u yar.

Dadka ka faalooda arrimaha Doorashooyinka ayaa xaaladahan aynu soo xusnay ku tilmaamay inay yihiin kuwo muujinayna inay xubnaha guddida Doorashooyinka ku hafteen shaqadii loo igmadey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker