Madaxweynaha Brazil oo Dhaawac soo Gaadhay Awgiis ay ka Luntay Xasuustii
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa lumiyay Xasuustiisa kaddib marki uu kufay isla markaana uu Madaxa dhulka ku dhuftay.
Wareysi lala yeeshay Talaadadi ayuu Madaxweynahan 64-jirka ah ku sheegay in uu ku Taraaraxay musqul ku taalla qasriga Madaxtooyada, taasoo keentay inuu Xasuus La,aantan isku Arko .
Wuxuu sheegay in markiiba uu lumiyay xasuustiisa, balse ay dib ugu soo laabatay Aroornimadi maalinti xigtay isla markaana uu hadda caafimaad qabo.
Caafimaadka madaxweynaha Brazil ayaa noqday mid ay dad badan walaac ka muujiyeen tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkaan.
Afar jeer ayuu maray qalliin lagu saxay dhaawac ka gaaray caloosha, kaddib marki uu toorreey ku weeraray nin careysan bishi September xilli uu ku jiray ololihii doorashada madaxtinimada uu marki danbe ku guuleystay.