Madaxweynaha Rwanda oo isku mar shaqada ka ceyriyay wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada iyo sirdoonka dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Maj Gen Juvenal Marizamunda inuu noqdo wasiirka cusub ee gaashaandhigga, isagoo bedelaya Maj Gen Albert Murasira oo xilkan hayay tan iyo markii uu xilka hayay tan iyo 2018-kii.

Taliyaha cusub ee ciidamada, Lt Gen Mubarakh Muganga, ayaa xilka kala wareegaya GenJean Bosco Kazura oo soo maamulayay Ciidanka Difaaca Rwanda (RDF) tan iyo Nofembar 2019.

Isku shaandheyn lagu sameeyo wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada oo isku mar xilka laga qaaday ayaan ku badneyn Rwanda.

Lama sheegin sababaha keenay isku shaandheyntan.

Isbeddelkii hore ee lagu sameeyay qeybaha sare ee militariga, Mr Kagame wuxuu mararka qaar si cad u sheegi jiray sababt

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker