Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Afar Qof

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland, ayaa xukuntay shabakad ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Shabakadda oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar kamida lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu riday xabsiyo kala duwan.

Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse ayaa Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale, Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsiya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddaas ay qaraxyo iyo dilala qorshaysan ka fulin jirtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker