Ciidanka Booliska Somaliland oo Shaaciyey Shil Baabuur oo 4 Qof ku Geeriyoodeen
Taliska ciidammada Booliska Somaliland ayaa ka hadlay shil gaadhi oo maanta ka dhacay inta u dhexaysa Koodayare iyo degmada Dacar Budhuq.
Gaadhiga shilkan galay oo ย ay lahayd shirkadda socdaaladda ee Bixin waxa ย ku dhintay 4 qof, kuwaas oo laba kamid ahi ay u dhasheen dalka Bangaladheesh, halka ay labada kalena u dhasheen dalkan Somaliland, waxa sidoo kale shilkaasi ku dhaawacmay 10 qof , kuwaas oo 4 kamid ahi ay yihiin reer Somaliland, halka 6-da kalena ay u dhasheen waddanka Bangaladheesh.
Taliyaha ciidammada Nabadgelyada ย Waddooyinka Somaliland, ahna Afhayeenka ciidammada Booliska Gaashaanle Sare ย Faysal Xiis Cilmi oo shilkan ka hadlay caawa ayaa sheegay in shilkaasi uu sabab u ahaa Darawalka gaadhiga waday oo Taleefan ku hadlayey xiligii uu gaadhigaasi waday.
Markii shilkaasi dhacay waxa goobta gaadhey ciidammada Nabadgelyada ย Waddooyinka Somaliland oo u gurmaday dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay.
Taliyaha ciidammada Nabadgelyada ย Wadooyinka Somaliland waxa uu dadka ka codsaday in ciidammada loo soo sheego darawalka isaga oo gaadhi wada taleefan ku hadla, isaga oo eheladii ay dadkaasi ka geeriyoodeen ย ka tacsiyadeeyey, halka uu dadkii dhaawacmayna Ilaahay uga baryey in uu caafimaad siiyo.