Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada oo kahadlay dambiya DRC Congo

Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa ku baaqay hab cusub oo wax looga qabanayo dambiyada dagaal ee ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Karim Khan, oo socdaal xaqiiqo raadin ah ku jooga DR Congo, ayaa Isniintii sheegay in loo baahan yahay “iskaashi xooggan” oo dhexmara dadka, maamulka maxalliga ah, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka si loo muujiyo rabitaan wadajir ah oo lagu soo afjarayo dambiyada.

Waxa uu sheegay in ay jireen kiisas iyo xukunno “laakiin weli ma joogsan kufsiga, iyo dembiyada kale .”

“Farriinteyda ayaa ah: waxaan u baahanahay inaan helno hab cusub oo aan u shaqeyno ee aan aheyn qaabkii aan u shaqeynaynay ilaa 2004,” ayuu yiri Karim.

Bariga DR Congo ayaa waxaa hareeyay rabshado muddo tobanaan sano ah, iyadoo ay halkaas ka howlgalaan kooxo hubeysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker