Al Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday deegaan Dhawaan lagala wareegay

Afgooye (OWN)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan lagala wareegay Al Shabaab waana markii labaad oo todobaad gudahiis ay weerar xoogan ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka xalay uu ahaa mid xoogan, waxaana uu bilowday kadib markii Al Shabaab ay rasaas ku bilaabeen ciidamo ku sugnaa halka laga difaaco deegaanka.

Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay waxaase dadka deegaanka ay sheegeen in dagaal muddo saacad ku dhow socday uu xalay ka dhacay Bariirre.

Weerarka Al-shabaab ee Bariirre ayaa ku billowday sida ay sheegeen goobjoogayaal qoryaha culus,waxaana ku xigay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac ku dhexmaray deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada DANAB ee deegaankaas dhawaan kala wareegay Al-shabaab ayaa sheegay in ay iska difaaceen duulaankii xalay ee Al-shabaab, islamarkaana dhankooda qasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker