Beesha Caalamka Ee Sidda Gaarka Ah U La Socota Xaaladdaha Cakiran Ee Muqdisho Oo War Cusub Ka Soo Saartay

Beesha Caalamka ee Sidda gaarka ah ula socota xaaladdaha cakiran Iyo Muranadda ka Taagan Doorashooyinka Dalka Somaaliya, ayaa War-murtiyeed ka soo Saaray Xaaladda uu Hadda ku Sugan Yahay Dalka Somaaliya.
Beesha Caalamka ee Sidda Wadda jirka ah u soo Saartay Qoraalkan, ayaa kala ah Kuwan Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyadda Midowga ee Britain, Dowladda Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay.
War-saxaafaddeedkan ay Beesha Caalamku mardhowayd soo Saartay    ayaa Isagoo Dhamaystiran u dhignaa Siddan:-
“Saaxiibbadda Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay ugu baaqayaan dhammaan saxiixayaasha heshiiskii 17-kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka Doorashadda, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamadda ee ku kulmay Magaaladda Baydhabo 15-16 Febraayo.
Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyadda waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.
Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19-kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.
Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyadda Midowga ee Britain, Dowladda Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker