Xiisad Dagaal Oo Kasoo Cusboonaaday Degmada Yubbe ee gobolka Sanaag

Wararka degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ay ka aloosantay xiisad u dhexaysa ciidamada Somaliland iyo ciidamo degaanka u dhashay oo maalmihii u dambeeyay isku urursanayey tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.

Ciidamada degaanka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa fariisimo ka samaystay tuulooyin ay ku jiraan Gacan-maroodi iyo Shidan oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag sida ay sheegayaan dadka degaanka.

 

Taliyaha jabhaddaasi oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Jaamac ayaa maalmo ka hor hanjabaad culus u diray ciidamada Somaliland oo uu sheegay in ay ku soo duuleen degaanno nabad ah si ay dhibaato uga gesytaan.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in duhurnimadii shalay ay rasaas is weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Somaliland iyo kuwa jabhadda degaankaas.

 

Goobgoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xaabo wax lagu karsado guranaya ay rasaas is weydaarsadeen ciidanka degaanka balse wax khasaara lama soo sheegin.

Oodweynenews Gobolka Sanaag

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker