Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Arimo Muhiim Ah kala Hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya , Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa gaadhay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaa oo uu wada-hadallo kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Lavrov ayaa sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobbankii sanno ee uu tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.

Wuxuu intaa ku daray inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.

Sidoo kale , labada dhinac ayaa ka wada-hadlay u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker