Qoys biritish ah oo dhacdo argagax leh kala kulmay dagaalka Suudaan

Dalka Suudaan muwaadin biritish ah ayaa waxa toogtay koox wadata qoryaha meelaha fog wax looga shiisho, markii dambena xaaskiisa ayaa gaajo u dhimatay kaddib markii ay wax taageero ah ka waayeen safaaradda ingiriiska ee Khartuum sida ay BBC-da qaybteeda carabiga u sheegeen caa’ilada muwaadiniintan.

Cabdalla Sholgami ayaa kula noolaa xaakiisa oo 80 jir naafo ah Calawiya Rishwan, meel dhawr talaabo u jirta wadada ka timaada safaaradda ingiriiska ee Khartuum. Inkastoo dhawr jeer ay caawinaad waydiisteen milkiilaha hudheelka London, haddana wax taageero ah uma fidin, si looga soo qaado gurigooda, loona geeyo garoonka, halkaas oo la geeyay koox miltariga ka tirsan si ay uga qayb qaataan daad gureynta muwaadiniinta u dhashay ingiriiksa sida qoysankan sheegeen.

Taa badalkeeda, waxa laga codsaday labadan qof ee da’da ah ee isqaba inay tagaan garoonka oo qiyaastii 40 km ka baxsan magaalada Khartuum, taas oo macnaheedu yahay inay sii maraan aaggaga uu dagaalku ka socdo, si ay u gaaraan halka laga daadgureynayay muwaadiniinta biritishka ah.

Wasaaradda arimaha dibadda ee biritan ayaa BBC-a u sheegtay in arinta Sholgami ay tahay “mid murugo leh” waxayna intaa ku dartay “awooddeena inaan kaalmo gaarsiino qunsuliyada aad buu u koobnaa, suurtagalna nooma ahayn inaan caawino shakhsi jooga gudaha Suudaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker