Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka Bariga Afrika oo xubin ka ah sideedaad

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta saxiixay heshiiska uu dalka Soomaaliya si buuxda uga mid noqonayo urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, iyadoo xafladda uu shir-guddoominayay guddoomiyaha EAC, ahna madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir.

Shirlakan ayaa maanta oo Jimco ah lagu qabtay Uganda.

Dalka Soomaaliya ayaa la aqbalay in uu ku biiro urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika 24kii Nofembar, isagoo noqday xubinta sideedaad ee ururka marka laga reebo Burundi, DR Congo, Kenya, South Sudan, Tanzania, Rwanda iyo Uganda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker