AHN Fanaankii Waynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan oo ku Geeriyooday dalka Germany

Muqdisho (OWN) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Jarmalka ku Geeriyooday fannaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo tiir u ahaa fanka Soomaaliyeed.

Geerida fannaanka  waxaa Warbaahinta u xaqjiiyey qaar ka mid ah helladiisa, wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Mainz ee dalkaasi.

 

Wararka ayaa sheegaya inuu fannaanka u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Coronavirus oo weli fara ba’an ku haya caalamka.

 

Bacalwaan wuxuu ahaa heesaa, mu’allif iyo weliba laxamiiste, iyadoo laxannadiisa uu ka mid ahaa midka uu saaray heesta caanka aee Afrikaay Hurudooy.

Sidoo kale wuxuu ka tirsanaa fannaaniintii ciidanka Xoogga dalka la oran jiray ee uu madaxda u ahaa Cismaan Askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker