Ganacsatada Somalida Ee Sanadkan Lagu Dilay Oo Gaadhaya 11 Marxuum

Soomaalida ayaa noqday dhibanayaasha ugu horeeya ee waxyeelada ugu badan ka soo gaadha weerarada burcada Koofur Afrikaan ah.

 

Waxaa ay noqonayaan Ilaa 11 Soomaali ah in  sanadkan bilowga ah lagu dilay dalka Koofur Afrika, halka kuwa kale la dhaawacay, iyadoo uu sii kordhayo weerarada ka dhanka ah dadka Ajnabiga ah ee dalkaas ku ganacsada.

 

Dilkii u dambeeyay ayaa habeen hore, halka kii u horeeyayna uu dhacay 5-tii bishii hore ee January sanadka 2019.

 

19-kii bishan oo ku beegneyd habeen hore waxaa degmada Mamalodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur afrika lagu dilay labo dhalinyaro Soomaali ah, halka mid kalena la dhaawacay, dhalinyarada la dilay mid kamid ah waxa uu dalkaasi ku sugnaa oo kaliya 3 bilood.

17-kii bishan waxaa lagu dilay Xaafada New Brighton magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape nin lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim, iyadoo burcada Koofur Afrikaanta ah ay dileen isagoo gaarigiisa saarnaa.

5-tii bishan Tuulo hoostagta magaalada Johannesburg, waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxiin Xaale.

29-kii bishii hore ee January sanadkan cusub ee 2019, waxaa lagu dilay tuulo hoostagta magaalada Cape Town muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaai jiray Xasan Muxudiin Caddaan, kaasoo ku magac dheeraa (Carabeey).

24-kii January waxaa tuulada Delft ee magalada Cape Town lagu dhaawacay Maxamed Jiinoow Xuseen, kaasoo markii danbe u geeriyooday dhaawaca daran ee soo gaaray, xili dhakhaatiirta ay la tacaalayeen xaaladiisa Caafimaad.

11-kii January waxaa Rustenburg lagu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Ceydaruus Maxamed Abuukar.

11-kii January, waxaa muwaadinkaas lala dilay marxuum kale oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Maxamuud.

5-tii bishii hore ee January, waxaa lagu dilay dalka Koofur Afrika C/casiis Rooroow, iyadoo marxuum Rooroow ahaa qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee lagu dilo Koofur Afrika sanadikan cusub ee 2019.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yaab leh in 47 maalmood oo kaliya dalka Koofur Afrika lagu dilo 11 soomaali ah, kuwaasoo aaney jirin wax hadal ah oo ay ka soo saartay Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoo dhawaan ay kulmeen Wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

C/shakuur Mohamed Mohamud

Dalkan Kooonfur Afrika

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker