Xukuumadda JSL Oo xalisay Khilaaf u dhexeeyey Shirkad Dahabka ka qoda Buurta Cirshiida ee Gobolka Sanaag

Agaasimaha guud ee Wasaaradda tamarta iyo macdanta Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo hogaaminayey wefti ka kooban masuuliyiinta wasaaraddaasi, maamulka gobolka Sanaag, ka degmada Ceerigaabo, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Taliyeyaasha Ciidamada gobolka, ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan muranka u dhexeeyey Shirkadda Xidid-madow iyo dadweynaha deegaanka oo cabasho ka muujiyey hannaanka qodaalka dahabka halkaasi ku jira.

Heshiiska Labada dhinac ayaa yimi kaddib oo lagu dhawaaqay shalay, kulamo maalmo socday oo ay masuuliyiintu la yeesheen labada dhinac, kuwaasoo ay ka qaybgaleen waayeelka iyo waxgaradka bulshada iyo maamulka Shirkaddaasi, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha xudunta khilaafka u ahaa.
Maxamed Khaliif Nuur Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag oo ka hadlay munaasibad ay weftigu kaga dhawaaqeen heshiiska bulshada iyo shirkadda, ayaa sheegay inay dhinacyadu isku afgarteen wada shaqayn buuxda iyo in meesha laga saaro wax kasta oo abuuraya madmadow iyo dareen is-diidmo.

“waxaynu shaacinaynaa go’aamadii heshiiska iyo laba mashruuc oo aanu idiin dhagax-dhigayno. labadaas mashruuc oo kala ah xannaanadii magaalada Cir-shiida iyo saldhigii Booliska. labadaas mashruuc waxay ku dhamaanayaan bil gudaheed inshallaah. waxa kale oo uu Agaasimuhu balanqaaday in gaadhigii Bilayska ee deegaanka ka hawlgelayey uu si dhakhso ah u yimaado. xukuumad ahaan waxaanu balanqaadaynaa inay mashaariicdaasi fulayaan”ayuu yidhi Badhasaab ku-xigeenku.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda tamarta iyo macdanta Mukhtaar Maxamed Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa bogaadiyey isfahamka dhex maray shirkadda iyo bulshada, isagoo cadeeyey inay bixinayso waxyaabihii aasaaska u ahaa heshiiska bulshada shirkaddu.

Agaasime Mukhtaar waxa uu faahfaahin ka bixiyey fursadaha muhiimka ah ee ku jira ka faa’idaysiga khayraadka halkaasi ku duugan “Shirkadda waxa aynu ka rajeynaynaa inay soo saarto khayraadkii wakhtiga dheer iska jiifay, inaynu guud ahaan guulaysano ayaan rajeynayaa. horumarinta bulshada shirkadda ayaa samaynaysa MCH-kii deegaanka iyo Gaadhigiiba, markaa aynu gacmaha is qabsano sidii aynu uga wada faa’idaysan lahaa khayraadkaas”
Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada iyo xubnaha golaha Deegaanka Ceerigaabo oo dhankooda halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey talaabada lagu xaliyey khilaafkan.
Weftiga Agaasimaha guud ee Wasaaradda tamarta iyo macdanta ayaa maalmihii la soo dhaafayba hawlo shaqo u joogay gobolka Sanaag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker