Raiisul wasaaraha Ethiopia oo Qudbad Codsi ah ka Jeediyay Aaskii Alfanaan Hachalu.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka Itooobiya ugu baaqay in xasilooni ay muujinayaan isla markaana ciidammada ay kala shaqeeyaan sidii Loo sugi lahaa amniga.

 

Waxaa uu ku tilmaamay dilka fanaanka ‘dambi weyn’

“Kuwo soo qorsheeyay dambigan kuma aysan faraxsaneyn isbaddallada haatan ka socda dalka….hadafkoodu kaliya ah ma aheyn inay dilaan walaalkeen Hachalu balse wuxuu hadafkoodu ahaa inay dilaan Itoobiya” ayuu yidhi Abiy Axmed.

 

 

“Waxay doonayeen inay kiciyaan shacabka markii ay dileen Hachalu, si ay u kiciyaan dareenka shacabka oo ay dhexdooda u dagaallamaan”

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabaddii lagu Aasaayay fanaanka xilli halkaas ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka Hachalu.

 

 

Abiy Axmed wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay qaadi doonto tallaabo kasta oo looga hortaggayo rabshadaha haatan harreeyay dalkaas.

 

 

“Dadka cadawga ku ah isbaddallada haatan ka socda dalka waxay doonayaan inay wiiqaan awoodda dalka, si kastaba, dhaqdhaqaaqooda ma guuleysan doono”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker