Hogaamiyihii Talibanka Oo Lagu Dilay dalka Pakistan

Sami-ul-Haq oo ahaa 80 sano jir ayaa lagu sheegaa inuu ahaa aasaasihii kooxaha Talibanka ka dagaalama dhulkaasi (Pakistan & Afghanistan). Wadaadkan ayaa la sheegay inuu xanuunsanayey oo uu la jiifay cudurka wadnaha, waxaana la sheegay in ay dilkiisa geysteen koox aan la aqoon oo gudaha ugu gulay qolkii uu jiifay sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Hogaamiyahan ayaa ahaa ninkii ka shaqeeyey dhismaha Talibanka kadib dagaalkii wadanka Afghanistan looga saaray xoogagii Sofiyeetka iyo dowladii Calmaaniga ahayd ee Afghanistan ka talin jirtay.

Inkastoo uu si weyn u taageersanaa dagaalka ka socday Afghanistan ee Talibanka kula dagaalamayeen ciidamada Maraykanka iyo NATO, ayuu hadana ka qeyb qaatay siyaasada dalka Pakistaan isagoona Senator kasoo noqday Aqalka sare ee dalkaasi sanadihii 1980aadkii illaa 2009.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker