Maareeyaha Dekadaha Somaliland Oo Kormeeray Markabkii ugu weynaa ku soo xidha Dekedda Oo U Raran hay’adda WFP

Berbera (OWN)- Dekedda Caalamiga ah ee Berbera waxa ku soo xidhay markabkii ugu weynaa Abid ee ku soo xidhay tan iyo markii casriyeynta lagu sameeyey marsada, waxaanu markabka u raran yahay hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Cuntada Adduunka ee WFP.

Markabka oo lagu magacaabo Diamond Sky, waxa dekedda ku soo dhaweeyey Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi oo kormeer indho-indhayn ah ku sameeyey markabka oo sida 53 mitrik Tan oo Qamaddi ah.

Maareeyaha Hay’adda Dekadaha oo ay weheliyaan masuuliyiinta shirkadda ISS oo wakiil ka ah markabka iyo shirkadda Daa’if oo WPF u qaabilsan hubinta raashinka, waxaanay faahfaahin ka bixiyey raashinka mucaawada ah ee markabka sida iyo cidda loogu tala-galay.

Masuul u hadlayey shirkadda Waddani ah ee ISS oo ka wakiil ah markabka ayaa faahfaahin ka bixiyey bilowgii mashruuca iyo sida ay ugu tala-gashay inay ku guulaystay inay hay’adda WFP ku qanciyaan in Markab baaxaddan oo kale lihi ku soo xidhmi karo dekedda Berbera iyo sida ay maamulka dekedda uga wada-hawlgaleen suurto-galinta mashruucan oo hay’adda WPF qandaraas ku bixisay.

Maareeyaha hay’adda Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa dhankiisa sheegay in dekedda Berbera awood u leedahay inay ku soo xidhmaan maraakiib xajmigoodu gaadhayo 100kun Mitrik tan, dhawaanna ay rejaynayaan inuu dekedda yimaaddo Markab Qaadkiisu yahay 70kun MT.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker