waa wada mujaahid

13 / 11 / 2016

Maansada    ( waa wada mujaahid )

Iyo   ( MOHOLIN )

BISMILAAH

Gobanimadi aan qaadanee

Qolo ku maamuus nay

Qaddar suga markii layna yidhi

Qayla koru booday

Qasab shacab ku waa tii u yidhi

Koonfurtaa qaba,e.

Qorshahoo-du soomaali weyn

Yuu ku qodobnaaye

.

Qawlay satiyo bahalay noqdeen

Qoonki loo tegaye

Aar qawdhamaa-yiyo jinbaa

Qoorta loo galaye

Qoys ugu yar waa tay innaga

Kuba qiyaaseene

Qayb layna siiyiyo ma jirin

Tii qaddari neede

.

Markay quruxba weydee xumaan

Qoolka loo geliyay

Ka qufula dhaqaalaha markii

Qalin la tab siiyay

Qadiyoo xidhxidha oo dar kale

Shiishka qabad siiya

Qarka xeebta meyd-kooda wadha

Oo qabri u jeexa

Markii la isla qaatee denbiga

Lagu qalaa weeyay

.

Qasab timi dadkeenuna inay

Waranka qaa taane

Qurba jire qar joogaba dhammaan

Gaadhay qayladu-ye

Inta qarash ka dhiibay sa iyo

Hooyo qarinaysa

Qarbadada intoodii miyiga

Caana ugu qaada

Inta gaadhi qoofalan dilaa

Sahan u qaadaa-ya

.

Dumar adhiga sii qala ya oo

Qoor la wada taagan

Geel jiraha qoran soo lisiyo

Qaalmihii  curada

Inta qoriga saarayd haddaan

Qaybtan kiale xoojin

Gelen qudha inaanay jireen

Yaa qiraal ka ahe

Halgan kii dhammaan loo qumee

QAADIR . guul dhali yay

.

In cid gaari qoonday sataa

Maaha qiil furane

Qarni rubuci baa lagu jiraa

Ceelna may qodane

Qabyo badan ayaa muuqa tiyo

Qaawanaan runahe

Qalbi furan ku wada ceesha oo

Qiiro dibu eega

Waa mujaahid qarankoo dhammiye

Yuu qofnaba sheegan

Wa billaahi tawfiiq

Cu. MAXAMUUD CISMAAN (MOHOLIN )

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker