Garsoorka dal Austria oo Laalay Xeer ka dhan ah Haweenka Muslimiinta

Maxkamadda distuuriga ah ee dalka Austria ayaa Laashay  Xeer caruurta dugsiyada hoose dhigata ka mamnuucayey in ay madaxa ku xidhaan dhar muujinaya astaan diineed oo gaar ah.

 

Waxaanay maxkamaddu sheegtay in xeerkani toos u beegsanayo xijaabka, xad gudubna ku yahay xuquuqda xorriyada diinta.

 

 

Xeerkan waxaa la soo saaray markii ay dalka taladiisa haysay xukuumaddii wadaagga ahayd ee hore ,oo ay isbahaysi ku ahaayeen xisbiga Shacabka ee muxaafidka ah iyo xisbiga Xorriyadda ee midigta fog ee xag jirka ah.

 

 

Waxay maxkamaddu sheegtay in xeerkani keenayo in la takooro hablaha Muslimiinta ah.

 

 

Sidoo kale waxay maxkamaddu ganafka ku dhufatay oo diiday doodda ah in xeerkaasi ka ilaalinayo hablaha Muslimiinta ah culays bulsho iyo in ay ardayda ay wax wada dhigtaa takooraan, waxaanay sheegtay in xeerkaasi dad aan eed lahayn ciqaabayo.

 

Waxay sheegtay hadii arintaasi lagama maarmaan noqoto, waxa waajib ka saaran yahay dawladda in ay dejiso xeerar ka hor tegaya in qofka lagu takooro jinsigigiisa ama diintiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker