Ku dhowaad 10 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Mandheera

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu dilay ku dhowaad 10 qof, kadib markii ay soo weerareen dabley hubeysan.

Dadkan ayaa isugu jira injineero iyo askar ilaalineysay waddo laami ah oo laga dhisayo inta u dhaxeysa magaalada Mandheera iyo degmada Carabiya, gaar ahaan deegaan la yiraahdo Ceelgarsu.

Weerarkan ayaa dhacay abaare 8:30 barqanimo ee maanta.

BBC-du waxay xaqiijisay sided qof oo meyd ah oo haatan la geeyay goobta meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka weyn ee magaalada Mandheera.

Weriye madax banana oo ku sugan isbitaalka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in labo kamid ah dadka la dilay ay yihiin askar, shank amid ah ay yihiin injineerada waday dhisidda wadada laamiga ah iyo darawalkii waday.

Saddex kamid ah ayaa ah Soomaali.

Waxaa dadkan la dilay xili ay saarnaayeen gaari ayna ku sii jeedeen goobta shaqo.

Ilaa hadda lama oga cidda soo weerartay askarta iyo injineerada la dilay, mana jirto cid sheegatay weerarkaas.

Wadadan ayaa la sheegay in dhismaheedu socday lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Wixii faahfaahin oo ka soo baxa warkan, halkan ayaan idinkula socdosiin doonaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker