Fallanqayn kooban oo ku saabsan khudbadii madaxweyne Muuse Biixi

Fallanqayn kooban oo ku saabsan khudbadii madaxweyne Muuse Biixi

HAL AAN KA IDHI KHUDBADDII MADAXWEYNAHA

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu inta badan khudbadaha ka akhriyi jiray warqad, taas oo ay dad badani ku dhalliili jireen. In uu akhrinta warqadda ku mergado oo uu hab jajaban oo aan hagaagsanayn u akhriyo ayaa loo nisbayn jiray caddayn muujinaysa gabawgiisa. Madaxweyne Muuse, si uu arrintaas uga ordo oo aan loo odhan warqad ayuu wax ka akhriyayaa — oo uu u arko ceeb calaamad u noqon karta gabawgiisa — maanta, iskuma uu hawlin in uu si toolmoon u jeediyo khudbaddii uu madasha ugu talagalay.

Taasi waxa ay sababtay in uu jeediyo hadal qubane ah oo is wada dhex yaalla. Waa hadal la iska wadayo oo aan habaysnayn. Deetana innaga oo arkayna ayay khudbaddii dhammayd isku beddashay sheeko oday waayeel ahi u jeedinayo dad uu is bidayo in uu ka da’, aqoon iyo waayo’aragnimo badan yahay. Waa halkaas meesha ay khudbaddii Madaxweynuhu ku noqotay sheekadii Madaxweynaha.

Waxa aad moodaysay in aanu Madaxweynuhu qorshaha ku darsan in uu la hadlayo shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda dalka. Run ahaan, waxa uu u dhaqmay sidii macallin cashar u jeedinaya arday fasal ku sii sugaysay oo haysta nuqul ka mid ah buugga casharka looga dhigayo. Khudbaddiisa waxa ku soo noqnoqonayay hadallo u dhigan: “buugga ka eega… sida aad buugga ka arki kartaan, bogga tirsigaas leh… iwm.”

Hadalka sidaas u dhigani ma aha mid caam ah ee waa mid ku socda dadka haysta buugga ay khudbaddu ku qoran tahay oo qudh ah. Sidaas darteed, maadaama ay tahay mid ku socota cidda ay khusayso oo qudh ah (dadka buugga khudbadda haysta) ma ay ahayn in khudbad caynkaas ah telefishannada looga sii daayo bulshada.

Madaxweynaha waxa laga filayay khudbad macne leh oo si dhab ah uga hadasha xaaladaha jira. Waxa laga filayay khudbad xanbaarsan hadaf siyaasadeed iyo himilo dawladnimo. Waxa laga filayay khudbad abuurta midnimo, walaalnimo iyo gobannimo. Waxa laga filayay khudbad dhalisa naruuro iyo rejo lagu naalloodo. Waxa laga filayay khudbad daaweysa eelka, utimaha iyo aanooyinka. Waxa laga filayay khudbad lagaga qanco amnidarrada, dhaqaalexumada iyo murugga ka taagan qabsoomidda doorashooyinka. Waxa laga filayay khudbad daaweysa, soona afjarta rabshadaha Boorama, dagaalka Laascaanood iyo muranka doorasho la isla oggol yahay.

Khudbadda Madaxweynuhu waxa ay ahayd caksiga filashadaas kor ku xusan. Sidii looga bartay, waxa ay ahayd khudbad nuxur ahaan daarran ila muran iyo ila meerayso. Sidii looga bartay, waxa ay sidday tirooyin wada khaldan iyo xisaabo aan maangal ahayn. Sidii looga bartay, waxa ay ka hadlaysay xaqiiqooyin aan jirin oo lagu gudbayo xaqiiqooyin jira. Run ahaan, ma ay ahayn wax khudbad sannadeed loogu yeedhi karo, waxa ay se ahayd madadaalo, maaweelo iyo hadal meel waayay.

Ugu danbayn, Khudbadda waxa nuxur tiray sacab madhan iyo mashxarad. Saaka, waxa xildhibaannada labada gole ee madasha joogay ka badnaa xubnaha sacabka u joogay. Aan idhaahdo, golihii shacabka waxa barabixiyay golaha sacabka.

Qalinkii Maxamed Saleebaan Cumar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker