Soomaalida Minnesota oo wali meel sare uga jirta dadka la nool cudurka Aids-ka

Dadka Soomaaliya kasoo jeeda ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay in ay meel sare kaga jiraan bulshooyinka ku nool gobolkaas ee qaba cudurka HIV/Aids-ka.

 

Warbixin ay soo saartay waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota, oo diiwaan galisa dadka la nool cudurka Aids-ka, ayaa lagu sheegay tirada dadka Soomaalida ah ee qaba cudurkan iyo sida ay tahay xaaladdooda.

 

Qiimeyntii la sameeyay sannadkii ugu dambeeyay ayaa muujisay in Soomaalida ay noqdeen qoomiyadda 4-aad ee cudurkan uu ku badan yahay aadna ugu sii fidayo.

Waxaa ka horreeyay qowmiyadaha kasoo kala jeeda dalalka Itoobiya, Mexico iyo Liberia.

 

In kastoo mar walba ay tiradu isbadasho, haddana Soomaalida ayaa xilligan ka mid ah dadka ugu tirada badan ee uu xanuunkaas uu bartilmaameedsanayo, waxaana walaac laga muujiyay xaaladdooda iyo dadaalka ku aaddan ka hor tagidda ama qaadashada daawada.

 

Sannadkii 2016-kii waxay Soomaalida ahaayeen qoomiyadda labaad ee ugu badan Aids-ka, iyagoo kusoo xigay jaaliyadda Itoobiya ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Cabdiraxmaan Axmed Maxmuud, oo ka shaqeeya mashruuca wacyigalinta Aids-ka ee Minnesota ayaa BBC-da u sheegay in bulshada Soomaalida ah aysan ka war qabin horumarka ay la dagaallanka cudurkan ka sameynayaan jaaliyadaha kale ee gobolka.

 

“Waxaan jeclaan lahaa in bulshadeennu ay wax badan ka ogaato heerka sare ee laga gaaray xakameynta cudurkaas, waayo dadkeennu waxay ka mid yihiin kuwa uu hadda xanuunkan sida degdegga ah ugu sii faafayo, sababtoo ah waxay ka tirsan yihiin dadka qaxootiga ah ee soo gala waddanka”.

 

Dhanka kale wuxuu sheegay in dadka uu ku dhaco cudurka HIV-AIDS-ka ay aqbalaan isla markaana billaabaan daawooyinka lagula tacaalo.

Laakiin wuxuu Cabdiraxmaan hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay sidii ay dadka aan qabin isaga ilaalin lahaayeen.

 

“Dadka qadarta Alle ku qanca si fiican ayey dawada u qaataan, balse waxay cilad ka taagan tahay sida ay dadka uusan soo gaarin isaga ilaalin karaan. Waxaa jira dawooyin loogu tala galay dadka cudurka la nool iney isticmaalaan iyagoo markaas aan sii fidineynin xanuunka, oo xitaa haddii ay guursadaan qof caafimaad qaba aan wax dhib ah u geysaneyn, hase ahaatee dadku waa iney dhagta u raariciyaan ol’olaha wacyi galinta ah ee loogu sheegayo sida loola noolaan karo cudurkan”.

 

Dhammaan dadka xanuunka Aids-ka qaba ayuu ku boorriyay iney si joogto ah ula socdaan xaaladdooda caafimaad, dawooyinka loogu tala galayna ku dadaalaan, halka kuwa aan qabinna uu u sheegay iney baaritaanno sameyaan kahor inta aysan is guursanin.

 

@ BBC Somali

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker