“Haddaanan Qaylo Dheer Hayaay Odhan” waa hees kale oo ka mid ahayd heesihii Cali Sugulle Cigaal, AHN, riwaayaddiisii Yarad Baaqday.

“Soomaalidu rejo iyo nayaayarkaas ayay wakhtigaas qabeen. Walaalaha Hargeysa ayaa qaaday, Radio Hargeysa oo ay u kala dambeeyeey Cabdirixiin Caabbi Faarax, Muuse Ismaaciil Galaal iyo Maxamed Xaashi Cabdi ayaa laga sii dayn jirey heesaha. Southal Carab, Qaahira, ayaa heesihii u gudbeen oo laga soo saaray, laantii afka Soomaaliga”. Cali Sugulle (Duncareeb), ayaan ka qoray 2009.

Haddaanan qaylo dheer hayaay odhan
Hororka celiyaay ku heellayn

Haddaanan gumayste waan la hodmee
Haddaanan goynin hanaqiyo halbowlaha

Haddaanan dhulka heegan baan u ahee
Anigu aan hoydee isagu hadhin

Haddaanan ma huraanka haaneedkiyo
Hadhuubka u dhiibin hanaddada

Haddaanan oogo Hawd u hawshoonoo
Hilbaha iga maqan la soo noqon

Haddaanan ENFDii Hengelo dhiginoo
Huurkiyo laga qaadin heeryada

Haddaanan Jabuuti way hakatee
Hilinka kuwa kale hayaan marin

Haddaanan Xamar way hadhaysan tahee
Hargeysaay ku saarin heegada

Haddaanan Shantu waysku hooyo-hiddee
Hiilkiyo isku raacin hoogaba

Haddaanan Rabbi baa hagaajin karee
Hanuunin sidii hubkays wada!”

 

 

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker