Raiisul wasaare Abbiy ahmed oo u hanjabay Mudaharaadayaasha uu hoggmiyo Jawar Maxamed

Addis Ababa (OWN) โ€“ Raโ€™iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka digay in xasilooni-darro dheeri ah ay ka dhici doonta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu cadaaladda horkeeni doono kuwii ka masโ€™uulka ahaa dhimashada 67 qof oo geeriyooday toddobaadkan.

โ€œShaqaaqooyinkan aan wajanhay waxay noqon doonaan kuwa intan kasii cabsi badan oo adag, haddii aysan dadka Itoobiya midoobin oo aanay mid noqon,โ€ ayuu Abiy Ahmed ku yiDHi bayaan laga soo saraay Xafiiskiisa.

โ€œWaxaan si adag uga shaqeyn doonnaaa inaan xaqiijinno joogteynta amarka iyo kala dambeynta, iyo in cadaaladda la horkeeno, kuwii ka masโ€™uulka ahaa dhibka.โ€

Abiy Ahmed waxa uu xusay in wax u muuqday dibad-bax ka dhan ahaa dowladdiisa ay si deg deg ah isugu beddeleen isku dhacyo ku saleysan jinsi iyo diin.Waxaa jiray isku day xasaraddan loogu beddelayo mid diimeed iyo mid jinsi. Intii ay tani socotay ayaa ciidamadeenna waxay u noqdeen dhibanayaal,โ€ Ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in guryo, ganacsiyo iyo goobo lagu cibaadeysto la burburiyey, islamarkaana tiro dad Ethiopian ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn ay barakaceen.

Rabashadaha ayaa arbacadii ka billowday magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa iyo inta badan gobolka Oromia, kadib markii Jawar Mohamed oo u ololeeya dadka Oromada uu ciidamada amniga ku eedeeyey inay soo abaabuleen weerar isaga ka dhan ah โ€“ eedeymahaas oo booliska ay beeniyeen.

Jawar ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii dhiir-geliyey dibad-baxyadii Itoobiya ka dhacay sanaddii tagtay, ee hoggaamiyey in raโ€™iisul wasaare Abiy Ahmed uu la wareego talada dalka.

Abiy iyo Jawar ayaa labaduba kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxaana xiisaddan cusub ay halis gelin kartaa isku dayga Abiy Ahmed uu ku doonayo in bisha May ee 2020 loogu doorto raโ€™iisul wasaaraha dalka ee shanta sano ee soo socota.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker