Ugaarsato dilay nin kadib markii ay ku qaldeen Bakayle

Dalka Shiinaha, ugaarsato ayaa nin ku dhex toogtay cawska ka dhax baxaya kayn, iyagoo u maleeyay inuu yahay Bakayle.

Dhacdadan, ayaa qofka lagu dilay lagu magacaabi jiray Wang Moujin. Afar qof ayaa loo xiray kiiskan.

Dhacdadan ayaa dhacday toddobaadkii hore fiidnimadii Jimcaha. Afar qof ayaa ugaarsi u tagay gobolka Jiangxi ee dalka Shiinaha.

Dhacdooyinka la xiriira toogashada wax ku kadidda/qaldista, ayaa ka ah naadir gudaha Shiinaha. Booliisku ayaa waxay sheegeen in markii uu maqley shanqar kasoo dhex baxeysa cawska kaynta, uu mid ka mid ah afartii ugaarsato uu rasaas ku furay.

Dhibbanaha, ayaa halkaasi u doontey inuu isaguba wax soo ugaarsado. Dhab ahaantii, markii la toogtay ruuxii ka dib, ayaa wuxuu ku dhacay god biyo ah, wuxuuna u dhintay qarqashada awgeed.

Xeerarka ka yaalla ilaalinta hubka ee dalka Shiinaha, ayaa waxey yihiin kuwo aad u adag. Baraha bulshada ee dalka Shiinaha, ayaa waxaa la isku weeydaar saday dood badan oo ku saabsan dhacdadan.

“Sidee ku dhici kartaa in qof dalkaan, waa Shiinahee, joogga uu qori ku heysan karaa?,” ayuu qof ku soo qoray qoraal barta bulshada ee Weibo isku weeydiiyey.

Dhanka kale, mid kale ayaa qoray, “Markii aan akhriyay warkan, waxaan dareemay inay tahay war ka yimid dhanka iyo dalka Mareykanka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker