Beesha caalamka oo dhowr qodob ka dalbatay madaxweyne Muuse Biixi

Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Tรผrkiye, UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay ee Somaliland.

โ€œSaaxiibada waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

โ€œSaaxiibada ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laascaanood, kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii tobanaad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon doonaan dhammaan goโ€™aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud laโ€™aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.โ€

Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka baniโ€™aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.

Waxay sheegeen in farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka ee aan aheyn Somaliland.

โ€œDhinacyada ugu waa weyn ee dirirtu ay ka dhaxeyso ayaa marar badan si shaacsan u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas. Saaxiibada waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggolaado saaxad wadahadal,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay saxiibada caalamku sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysanayaan fududeynta wada-hadallada.

โ€œSaaxiibada waxay soo dhoweynayaan dadaallada iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin laguna fududeynayo wada-hadallo,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, saaxiibada caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhiimadda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland.

โ€œWaxaanu ku casuunay Madaxweynuha inuu daabaco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo wakhtiga doorashadu dhacayso, si loo ogolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay uga mahad-celiyeen madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku aadan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka.

โ€œWaxa kale oo aanu xusnay ballanqaadka madaxweynaha ee ah in la oggolaado gargaar baniโ€™aadannimo oo aan la xanibin la gaarsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ballan-qaadyadaas la dhaqan-geliyo,โ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi aanu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidamada Somaliland ee fadhiggeedu yahay hareeraha Laascaanood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker