“2013 ayuu dhintay jeceylkeyga Axmed illaa hadda oo 10 sanno la joogo “

“2013 ayuu dhintay jeceylkeyga Axmed illaa hadda oo 10 sanno la joogo qalbigeyga kama bixin Axmed.

Axmed waxaa igu mehriyay walaalkeey aan jeclahay, maalintii la igu mehrinaayay waa jareynayay farxad darteed.

Axmed wuxuu ahaa qof aad ii jeclaa anigana aad u jeclaa balse nasiib darro calafkeenii ayaa dhamaaday waana ku qanacsanahay qadarta rabbi.

Axmed wuxuu ahaa qof ahlu salaad ah oo sajuuda iyo sunada ka muuqatay.

Axmed anigoo aan dhargin oo cunto afka ii galin cunto ma cuni jirin sidoo kale asigoo hurdo igu ogaanin axmed ma seexan jirin.

Axmed maalinta uusan shaqo aadeynin wuxuu idhihi jiray maanta iska seexo quraacda iyo Qadada anigaa diyaarinayo.

Axmed haddii aan adduunka isku waynay waxaa ilaahey ka baryaa inuu janada nagu kulan siiyo aniga iyo wiilkiisa.

Axmed maseer darteed ayaa ku kala tagnay waana ka shalaayay, maseerku ma fiicno ninka ilaahey afar ayuu u baneeyay ee gabareey maseerku gurigaada yuu burburinin”.

Sidaan waxaa tiri Hodan oo ka sheekeynaysay wixii dhexmaray iyada iyo jeceelkeeda Axmed Cagaweyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker