Ruushka oo ka hadlay doorashada dalka Turkiga
Maamulka Kremlin-ka, ayaa sheegay inay rajeynayaan in Ruushka uu “sii xoojiyo ” xiriirka kala dhaxeeya dalka Turkiga, iyadoon loo eegin natiijada doorashada madaxtinimo.
Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitri Peskov ayaa yiri, “Waxaan ula soconnaa wararka ka imanaya Turkiga si weyn oo xiiso leh, waxaan ixtiraami doonnaa natiijada doorashada dadka Turkiga.”
Si kastaba ha ahaatee, waxaan rajaynaynaa in iskaashigeennu uu sii socdo, oo uu sii qoto dheeraado oo la ballaariyo,” ayuu yiri Peskov, sida ay sheegtay wakaaladda AFP.




