FAYSAL HOORAAYE CULIMADDII IYO DIINTII KA DOORBIDAY SIYAASADDII SOOMAALIDA EE BULAACADDA AHAYD.
Faysal waxaa cad in uu afhayeenka cid u yahay ee saaniga ah ee loo diro kolba ciddii la caayaayo. Noloshu cidii aad diido inaad aflagaado iyo ku afragto cay maaha. Sheekh muxaadarooyin waa laga joojin karaa iyadoo siyaasad ahaan lagu Duranyo laakiin marna sheekh a culimada soomaalida ee ummadda Somalida Diinta barta ee aynu wada naqaan in Shayaadiin lagu sheegaa waa arin khatara Faysal Hooraayena iyo ciddii soo dirtay ee tidhi sheekh Shaydaan ku sheegna manta inkaartii weligii sugaysay ayaa ku dhacday. Somalidu waxay yidhaa geela soco soco weligaaba maalintaad CIIN daaqdaa laguu yaabaa. Sheekh Mohamed Idris boqolaalkun oo Somaliya ayaa diinta Islaamka ka bartay kana barta, in million qof ah oo Somali ah ayaa sheekha sida sheekh yada iyo culimada kale ku yaqaan Allah ka cabsi oo wada naxay markii kelmadda waa Shaydaan sheekh Idris afaka Faysal Hooraaye ka soo baxday Wayne wada habaareen Faysal iyo cidii hadalada Shaydaaniga ah kula socotayba. Hadaba waxaa cad kuwan Siyaasiyiinta isku sheegaa inaanay Diinta Islaamka waxba ka aqoon cidda giisa iyo cidda barata iyo Muslinimaduba wax qiima ah la lahayn. Berri waxaynu afkooda la dhawrnaaba waa Sheekh yada reer SOMALILAND inay shaydaano yihiin hubaal Siyaasiyiinta Faysal Hooraaye ugu horeba ayaa shayaadiin ah waxay sameeyeen ee ay ku coogan yihiin oo dhan weynu of nahay laakiin Maantaa Faysal Inkaari ku dhacday Dina u naasnaasin maayo.