Jaamacad U Gaaraha Gabdhaha Ee Dalka Sacuudiga Oo Koox Daanyeero Ah Soo Weerareen

Gabdho wax ka barta Jaamacada Biisha ee dalkaasi Sucuudiga ayaa waxa aad u argagax galiyey weerar ay ku soo qaadeen Raxan Daanyeero ah.

 

Dadka ku dhaqan Dalkaasi Sucuudiga ayaa waxay aad ugu faaleeyeen baraha bulshada sawiro iyo muuqaalo lagu baahiyey oo muujinayey daanyeerka soo weeraray jaamacadaasi.

 

Sida lagu baahiyey Wargeyska Sabaq ee ka soo baxa Dalkaasi oo   gabdhaha jaamacadaasi wax ka barta ayaa waxa aad u cabsi galiyay weerarka uu daanyeerkaasi ku soo qaaday mana aha markii ugu horreysay ee arrin noocan oo kale ahi ay dhacdo, Daanyeerka ayaa waxa uu soo weeraraa jaamacadaasi marka uu cunto la’aan dareemo waxaanu soo galaa gudaha xayndaabka jaamacadaasi waxa aanu isku dayaa inuu ka helo cunto.

 

Waalidiinta Gabdhahaasi wax ka barta Jaamacada Biisha ayaa waxay ka codsadeen Madaxda jaamacadaasi inay si degdeg ah wax uga qabtaan arrintani waxa aanay sheegeen in haddi ay dhibaatadani sii socoto ay sababi doonto in gabdho badan ay cabsi daraadeed soo xaadiri waayaan jaamacada.

Jaamacada Biisha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker