Madaxweyne Biixi Oo Soo Dhaweeyey Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya U Magacaabay Arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey kulan lagu abaalmariyey Ardayda ku guulaysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa sheegay in Somaliland soo dhawaynayso in nabad lagu soo dabbaalo xaaladda magaalada Laascaanood iyo Soomaaliya Ergay gaar ah u soo magacawdo Somaliland, isla markaana dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac.

“Aniga iyo shacabka reer Somaliland waxay ka midaysan yihiin in arrinta Laascaanood xabbadda la joojiyo, nabadna lagu dhammeeyo, mar walbana taas baannu u taagannahay, dawladda Somaliland iyo ciidankeeduna weerar lasoo weerarayo inay iska difaacaan mooyaane, marnaba dagaalkaas may gelin, diyaarna uma aha inay dad islaam ah oo Somaliland oo dadkoodii ah ay weeraraan.” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya siday Somaliland diyaar ugu tahay nabadda, waxa uu yidhi; “Maaddaama ay dadka reer Somaliland nabad u diyaar yihiin, anna aan odayga ugu ahay nabaddii diyaar baannu u nahaye ciddii dhinaca kale ah caawa nabadda xidhi karaysa ee xabbadda dhankooda joojin karaysa anagu xabbad ma wadnee diyaar baannu u nahay.”

“Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay isku hayaan xuduudaha labada dal iyo inay laba dawladood oo mar si walaaltinimo ah isugu yimi ahaayeen, dawladdiina ka duntay oo qayb waliba iskeed wax u dhisatay, Dastuurkeennu isku mid aha, 33-sannaynu kala maqnayn, markaa dadka reer Somaliland xadka dhawr iyo kontonka dawladood ee Afrika ku dhisan yihiin uun bay Somaliland kamid tahay, waxa aynu kala tabanayno aynu walaaltinimo isugu sheegno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker