Somaliland iyo Somalia waxa ay isku dhex qasmeen intii Kulmiye xilka hayay.

 Saacadna dadka oo dhan Somalinimo ku caaya, saacadda xigtana Somalia ku soo dhoweeya Hargeysa. Walaalayaal, meel iskugu lugo duda. Waa ku wareeray camalkiina. Hadda ma Somalia ayaynu isku suldaan nahay oo halkaas baannu idinku ogaanna mise Somaliland dal gaar ahoo reero kala duwani degan yihiin baad u aqoonsan tihiin? Bal af uun nagula hadla aannu aroor qudha fahamno. Sidan waa lagu wareerayaa.
Midda kale abtirsiintii waxa ay u bateen sida dadka aad Laascaanood kula dagaalamaysaan u bateen (shabaab, argagixiso caalami ah oo aan magac lahayn, Puntland, PSF, Somalia, dawlad deegaanka, huwan, xoogag nabad diid, dadka deegaanka….). Irir, Dir, Haashimiya… iyana meel uun ku arooriya si loo fahmo. Caruurtii ayaa ku dawakhday.
Haddii aydaan sidaas yeelayn; heshiis baa ka dhexeeyey dadka degan geyigan ee heshiiskii dib ugu noqda. Dhibta idin haysta xalkeedu waa halkaas ee kuma jiro abtirsiin cusub iyo Somalia oo naf la bido.
Xamar idin xalin kari mayso arinka Laascaanood: nabad iyo colaad toona wax idiinka tari mayso. Muranka Hargeysa dhex yaalna waxba ka tari mayso. Ha is diidsiin dhibta ee yeelo geesinimo aad ku wajahdid.
W/Qoray Guuleed Dafac

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker