Badhasaabka Sanaag Iyo Maayarka Ceerigaabo Oo Ku Hungoobey Wada-hadalsiinta Col.Caarre iyo Xukuumadda Sare ee Somaliland.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Subaxnimadii hore ee Saaka waxa dhinaca koonfureed  gaar ahaan degaanka Goof oo ah degaanka fadhiidsinnada Ciidammada Col-Caarre ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo uga ambabaxay Badhasaabka G/Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) iyo Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur waxana mas’uuliyiintani sida lasheegay halkaas ugu ambabexeen si ay Wada-hadal uga dhex bilaabaan Col-Caarre iyo Madaxda ugu sarraysa Xukuumadda Somaliland.

 

Haddaba sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo kusugan degaanka Goof labadan mas’uul iyo xubno weheliyey ayaa ku hungoobey ujeeddadoodaas kaddib markii Col-Caarre iyo ciidankiisiiba halkaas uga diga-rogteen fadhiisinno kale oo hor leh muhiimna u ah degganaanshahooda.

 

Dhinaca kalena lama garanayo tallaabada tan kuxigta ee mas’uuliyiintani qaadi doonaan haseyeeshee waxay xilligan u muuqdaan inay fara madhan kalasoo laabteen isku daygan oo ah kii ugu horreeyey oo loo qaaday dhinaca dhexdhexaadinta Col-Caarre iyo Xukuumadda sare ee Somaliland.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker