Caruur ay Soomaali ku jiraan oo muhaajiriin ah oo laga qaaday Greece

Barnaamij ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub si mutadawacnimo ugu aqbalayeen caruurta muhaajiriinta ah, ee aan waalidka la socon ee ku sugan Greece, ayaa si rasmi ah usoo geba-geboobay Talaadadii.

Da’yar 15 ah, oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Gambia iyo Pakistan, ayaa raacay diyaarad ka qaaday Athens oo gaysay Lisbon, Portugal.

Waxay taasi tirada guud ee caruurta muhaajiriinta ah ee dib u dejinta loogu sameeyey barnaamijkan ka dhigeysaa 1,368 oo la geeyey 16 dal oo kala duwan tan iyo 2020, sida ay sheegeen saraakiisha Greece.

Guddiga Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inuu dhameystiri doono xeerar cusub oo dhanka socdaaalka, oo ay ka siman yihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah kahor 2024, kadib sanado hakad ah.

Qodobka ugu adag ee la isku haya ayaa loogu yeeraa hanaanka garab-istaagga, kaasi oo dalalka xubnaha ah la siinayo kooto dib u dejin oo ay ku caawinayaan dalal ay ka mid yihiin Greece, Italy iyo Spain, oo ah halka magan-galyo doonka badankood ay yimaadaan marka hore.

Wasiirka ku-xigeenka socdaalka Greece Sofia Voultepsi ayaa sheegtay in Athens ay xubnaha Midowga Yurub kula jirto wada-hadallo ku saabsan inay si mutadawacnimo ah u aqbalaan muhaajiriinta qaar.

“Greece kaligeed ma xamili karto culeyska qaxootiga iyo muhaajiriinta. Garbaha kuma qaadi karto dhammaan caruurta aan sharciga lahayn ee dalkeena imanaya,” ayey weriyayaasha ugu sheegtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Athens.

Gianluca Rocco, oo ah madaxa howlgallada ee Xafiiska QM ee Muhaajiriinta (IOM), ayaa sheegay inuu rajeynayo in Midowga Yurub ay gaaraan heshiis.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker