Netanyahu oo wajahaya culaysyo badan ka dib go’aan uu ka qaatay wasiirkiisii gaashaandhigga

Dibadbaxyo ballaaran ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo ku yaalla Israa’iil ah kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu xilka ka qaaday wasiirkii gaashaandhigga.

Yoav Gallant ayaa shaqada laga eryay ka dib markii uu ku baaqay qorshooyin muran dhaliyay ee ku aadan in meesha laga saaro isbaddalka lagu sameynayo nidaamka garsoorka.

Mr Netanyahu ayaa u yeeray wasiirka islamarkana kulan uu la qaatay Mr Gallant waxaa uu ku wargaliyay in uusan kalsooni ku qaban uuna sii ahaan karin wasiirka gaashaandhiga.

xil ka qaadistii ayaa ka dambeysay ka dib markii uu Gallant Sabtidii dhaliilay isbadalka lagu sameynayo sharciga garsoorka Israa’iil

Rai’sul wasaare Nataniyahu ayaa si cad u sheegay in uusan wax kalsooni ah ku qaban wasiirkagaashaandhiga ee uu xilka ka qaaday.

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa dib ugu soo laabtay waddooyinka habeenimadii Axadda iyaga oo lulaya calanka Israa’iil kadib xil ka qaadistii Mr Gallant.

Muranka ayaa ka dhashay hindisa sharciyeed cusub oo ay dad badan u arkaan in uu yahay mid halis ku ah dimuqraadiyada israa’iil.

Hogaamiyayaasha mudaaharaadyadan ayaa Mr Netanyahu ku eedeeyay in uu u dhaqmayo sidii kaligii taliye oo uu burburiyay ammaanka Israa’iil.

Hogaamiyaha mucaaradka, Yair Lapid, ayaa ku tilmaamay xil ka qaadista Mr Gallant tallaabo wax u dhimeysa amniga qaranka.

Hogaamiyaha mucaaradka, Yair Lapid, ayaa ku tilmaamay xil ka qaadista Mr Gallant inay tahay tallaabo liidata islamarkana wax u dhimeysa amniga qaranka.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Benny Gantz ayaa ammaanay Mr Gallant, oo uu sheegay in uu amniga israa’iil ka hormariyay dhammaan danaha.

Waxyaabaha hindisa sharciyeedkani uu soo jeedinayo waxaa ka mid ah in dawladda la siiyo awoodda buuxda ee magacaabista garsoorayaasha.

Sharciga ayaa qeyb ka ah qorshaha muranka dhaliyay ee dowladda wadaaga ah ee garabka midig si ay u xaddido awoodaha garsoorka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker