Aqalka Cad ee Mareykanka oo Uganda uga digay sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa uga digay dalka Uganda suurtagalnimada ah in uu la kulmi doono cawaaqib xumo dhaqaale waa haddii uu si rasmi ah u dhaqangalo sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah.
“Si dhaw ayaan ula soconnaa arrinta, waxaan ku rajo wenahay in aan la ansixin” ayuu yiri afahayeenka golaha qaran ee amniga Mareykanka.
Hindise-sharciyeedkan ayaa dhigaya in xabsi daa’in lagu ridi doono dadka la ogaado inay isku jinsi yihiin ee ku nool Uganda, wuxuu sidoo kale farayaa in xukun dil ah lagu ridi karo kiisaska qaar.
Baarlamaanka ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedkan balse wuxuu sugayaa in uu meel mariyo madaxweynaha.
Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay sharcigan, Dalka Uganda waxaa ka mamnuuc ah dadka isku jinsiga.




