Madaxweyne Xasan oo ciidamo tababr ugu soo xiray Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda tababar ugu soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha, oo khudbad u jeediyay ciidankan dhameystay tababarka, ayaa ku tilmaamay inay yihiin geesiyiin go’aansaday inay naftooda u huraan difaaca, karaamada iyo sharafta dadkooda, isagoo sheegay inay shaqo fiican qabteen, islamarkaana ay muujiyeen inay u diyaar u yihiin difaaca dalkooda.

“Waxaan rabaa inaan idiin sheego in muddadii aad halkan u joogteen tababarka iyo muddadii aad Soomaaliya kasoo tageyseen oo aad joogteenba, intaba dagaalku waa uu socday, wiil walaalkiin ah iyo gabar walaashiin ah oo idinkoo kale ah ayaa dhimanayay, dhaawacmayay oo curyaamayay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh, isagoo intaas ku daray in halka shay ay arrintaasi u sameynayeen ay ahayd jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay in ciidamadan marka ay dalka tagaan aysan howsha kala wareegeyn ciidamadii horey u joogay balse ay ku biiri doonaan oo ay “la jabin doonaan cadowga.”

Madaxweynaha oo dhiiri-galinaya ciidamda ayaa sheegay in mar haddii ciidamo u dhashay Uganda ay dalka Soomaaliya tageen, kudagaalameen, ku dhinteen, ku dhaawacmeen, danta kaliya ee ay leeyihiina ay tahay inay arkaan Soomaliya oo nabad ah oo cagaheeda ku taagan, ay waxa iyaga laga filayo tahay in sameeyaan intaas iyo ka badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sida kaliya ee ay Soomaaliya ugu abaal gudi karto dowladda Uganda ay tahay in wixii ay bareen ciidamooda ay ka dhaqan galiyaan dalka oo cadowga Soomaaliya ay tusaan oo ay ku muquuniyaan tababarka casriga ah ee ay ku qaateen dalka Uganda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker