Putin oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Mariupol, sida ay wariyeen warbaahinta dalkaasi Axadda maanta ah, waana markii u horreysay ee uu booqdo magaaladan ay ciidankiisu qabsadeen kadib muddo dheer go’doomiyeen bilowgii weerarka Moscow ee Ukraine.

Safarkan ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS, Putin ayaa Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay baabuur.

Goobo dhowr ah ayuu booqday oo uu la hadlay dadka deegaanka, waxaana la siiyay warbixin ku saabsan dib u dhiska magaalada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker