‘Weeraro Ururka Al-Shabaab ay Rabeen Inay ka Fuliyaan Gudaha Ethiopia oo Fashilmay

Addis Ababa (OWN) – Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse “laamaha amniga ayaa fashiliyeen”.

 

 

Abiy Axmed oo shalay hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadkan.

 

Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo la weydiiyay waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga ayaa tusaale ahaan u soo qaatay sida “looga hortagay weerarrada Al-Shabaab”.

 

Wuxuu yiri: “Haddii aan Al-shabaab tusaale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay kenya ka fuliyaan aye damacsanaayeen, balse diyaargarow xooggan waxaa sameeyey ciidamada deegaanka Soomaalida ee qalabka sida iyo xoogagga kale ammaanka waxayna sameeyeen howlgallo ballaadhan oo ay kaga hortageen weerarradii al-shabaab ay damacsanaayeen.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker