Gabiley: Nin Qori Ku Hubaysan Oo Suuqa Ku Dhex Toogtay Nin Macalin Ahaa
Nin qori ku hubaysan ayaa suuqa Magaalada Gabiley ku dhex toogtay Macalin wax ka dhiga dugsiyada magaalada Gabilay.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmed ayaa ugu geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Gabilay dhaawac halis ah oo soo gaadhay.
Ninka toogashada sameeyey oo ahaa darawal ku shaqaysta gadiidka Bajaajta ayaa ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen xabsigana u taxaaben.
