𝐗𝐮𝐤𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐝𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maal-mihii ugu dambeeyey safarka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Gudaha, W/K/X Maalgashiga, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Xildhibaano iyo Madax-dhaqameedyo ayaa maanta ka qayb galay, goob-joogna ka ahaa munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynayey qaybtii 2-aad ee Ciidanka Madaniga iyo gadiidkoodii dagaalka.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa Ciidamada u qaabiley si kal furan, waxanay u sheegaan in saacaddaa laga bilaabo ay ka mid yihiin Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.