Madaxweynaha Eritrea oo baaq u diray ciidamada Suudaan
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa ku booriyay Suudaan inay ka digtoonaadaan “faragelinta shisheeye” oo ay iyaga laftoodu xalliyaan dhibaatooyinkooda.
Madaxweyne Isaias ayaa hadalkan ka sheegay wadahadal uu magaalada Asmara kula yeeshay ku xigeenka madaxa golaha ku meel gaarka ah ee Suudaan, Mohamed Hamdan “Hemeti” oo booqasho hal maalin ah ku yimid dalkaas.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada dalka Suudaan inay ka fogaadaan siyaasadda.
Eritrea ayaa la rumeysan yahay inay taageereyso dadaallada lagu xallinayo qalalaasaha siyaasadeed ee Suudaan oo soo jiitamayay tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii.




