Daawo:-Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Ansixiyay Xeerka Maamul Xulidda Bankiga Dhexe.

Muqdisho-(OWN)-Xildhibaanada Golaha shacabka Federaalka ah oo maanta dood adag ka yeeshay Xeerka Maamul Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe ayaa Maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay xeerkaas.

158 Xildhibaan ayaa ogolaaday ansixinta Xeerkaas, waxaa diiday 17 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaano ka aamusay.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Xeer Maamul Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe.

Xeerkaan Golaha Shacabka maanta ansixiyeen ayaa waxaa horay u saxiixay Golaha Wasiirada Somaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa walaac ka muujiyay xeerka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ay ansixiyeen.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker