Dagaalka Ka Socda Magaalada Laascaanood oo Wali Taagan iyo Natiijo La,aan Ka Muuqata in Xal Lagu Joojiyo.

Dagaalka Ka Socda Gudaha Magaalada Laascaanood oo Wali Taagan iyo Natiijo La,aan Ka Muuqata in Xal Lagu Joojiyo

Khasaaraha ka Dhashey Dagaalka Sadexdii Maalmood ee u Dambeeyay Ka Socdey Gudaha Laascaanood, ayaa ah Mid Sii Siyaadinaya Tirada Dhimashada iyo dhaawaca Labada Dhinac, iyaddoo ay Taasi Weheliso Shacabkii Ku noolaa Magaalada, oo Ka Qaxey Dagaalka Kuwaas, oo ukala Firxadey Qoys Kasta halkii Itaalku Gaadhsiiyay.

Ilaa iyo hadda Majirto Rajo Ku Wajahan in Xaalada Dagaalka Lagu soo Khatimo Wadahadal iyo xal Nabad Lagu Soo dabaalo Maadaama ay, dhinacyadu Kala Taagan yihiin Mawqifyo adag, oo sii xoogaynaya in Dagaalku sii dabadheeraado.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo Maalmihii lasoo dhaafey, isagu u Muuqdey in uu ka biyo diidsan yahey, Xiisada Dagaal ee Gudaha Magaalada, ayaa Maanta Mawqif adag iska taagey dhinaciisa, isagoo Ku adkaystay in Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweyne Muuse Biixi aqbalo in Ciidamadu ka baxaan Laascaanood, Maadaama Dagaalka loo adeegsadey Hub Culus, Sida uu hadalkiisa u dhigay, halka Xukuumadda laf ahaanteeduna Ku adkaysanayso inney Ladagaalamayso Argagaxiso Waana arinta Sababta u ah inney Rajo la,aani ka Muuqato Xal nabadeed, oo la gaadho.

Sikasta oo ay tahey, Sida Muuqata Marka loo eego Wajiga dhabta ah, ee Dagaalka Laascaanood Wuxuu Daahfurayaa in Dagaalkii Shaley, iyo Kan Maantu Wax ka badelay Luqadii ay Shaley dhinacyadu Ku dalbanayeen in Wadahadal ay diyaar u yihiin.

Gabagabadii Baaqyada Nabadeed ee Soomaalida Guud ahaan, ayaad moodaa iney Wali tahey Mid aad u Weyd ah taas oo aad Moodo in Ay Xoogan tahey Tumista Durbaanka Colaadeed, Marka laga Reebo Madaxdhaqameedka Somaliland oo Baaq nabadeed iyaggu Qadimey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker