Israa’iil oo duqeymo ka geysatay marinka Qaza

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka geysatay marinka Qaza iyadoo sheegtay in ay kaga hortagysay gantaal lagu soo riday magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad, ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Mar sii horreysay, kooxda Falastiiniyiin ah ayaa sheegtay in ciidamada ilaaliya xabsiyada Israa’iil ay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen haweenka Falastiiniyiinta ah ee maxaabiista ah oo isku dayay in ay dab qabadsiiyaan qolalka ay ku xiranyihiin.

Wasiirka cusub ee amniga qaranka Israa’iil ee midigta-fog, Itamar Ben Gvir, ayaa amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker