Xumbo Cuskadayaal!
Nin daad qaadey, xumbo cuskey.
Dhuux Baraar
Koox Dhuux Baraar rumeysnaanjirtey, oo boqor u ictiraafsanaanjirtey, ayaa haddeer Bucur Baceyr ka urisey. Sidaas darteed, soo hadalqaadkiisaโba waโay ka xanaaqaan.
Jabuuti
Unug kale oo taariikhda Toljecle inay Jabuuti taalo ku andacoonjirey, ayaa inay soo qaadaan, oo ay keenaan laga dalbadey. Inay soo dhuftaan sidii looga filanayey, ayay iyaguโna dabeyl raaceen.
Harar
Urur kale oo taariikhda Toljecle inay Harar ku xafidantahay ku doodiโjirey, ayaa inay soo raraan laga codsadey. Inay soo dafaan sidii looga rajeynayey, ayay iyaguโna ka muquurteen.
Toljecle
Kuwo waxa jira, iyaguโna weedh kali ah, oo aan taariikheysneyn, oo raadraac kale aan lahayn, iyagaโna ay kaga dhagtey. Waxa ay la soo taaganyihiin: Toljecle waa la yaqaanaa.
Waxaโse aanay ogeyn, oo aan loo sheegin, inuu Toljecleโhaas la yaqaanaaโi, uuย ย Habar Jecle yahay.
Dirir Warsame – Habar Jecle
Toljecluhuย ninkii maag is yidhi, waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahee, muruq u roonaaye.
Maxamed Nuur Fadal โ Habar Jecle
Cali Dhuux dharbado reer Isaaq, waw dhug leeyahaye
Wuxu weliba dheeraad ku yahay, dheegga aan ahaye
Toljeclahaย dhawaaqii la yidhi, waxan ka dhiifraacay
Ogadeen dhasheega iyo sidii, ceel dhanaan noqoye.
Maxamed Nuur Fadal โ Habar Jecle
Toljecleย haddii laga dhaciyo, dheega Habar Yoonisย
Ama dhalantidii Ciida-gale, lama dhaqaajeene.
Axmed Jaamac Cali (Caad-leef) โ Habar Jecle
Toljecluhuย ramaaskiyo ka badan, roobkan xays helaye
Miyeydnaan rogeyn ceebtaย waa, la iska reebaaye.
Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carabey) โ Habar Jecle
Colkanย Habar Toljecloย loola dudi, daw kalaw furane
Allow yaa carruurahan durdurin, kala dillaameeya.
Jaamac Axmed Jaamac (Gacma-dheere) โ Habar Jecle
Toljeclahaย galbeed naga xigee,ย gobolkayaanย sheegtey.
Maxamed Aadan Caws (Yawle) โ Habar Yoonis
Toljeclahaaย dacalkayga
Dagmadiisu hawaartee
Nabadda u dihanaaya
Dood yar baan u tiraabay.
Sayid Maxamed Cabdille Xasan โ Ogaadeen
Toljeclahaย muraadkeyga iyo, masafadayda ula taga.
Axmed Sheekh Isxaaq
Sida kuweer Toljecle waa la yaqaanaadu ay ku goโantahay, ayay kuwa kaleโna weedh aan sooโyaalsaneyni, ay ugu qufulantahay. Iyaguโna waxa ay dood ka dhigtaan: Axmed Sheekh Isxaaq waa la yaqaanaa.
Waxaโse ay mooganyihiin, inuu magacan uu Sheekh Ismaaciil Daraawiish bixiyey; oo uu Toljecleโhii galbeed u soo jabey, ee Aadan Maxamed Abokor (Aadan-madoobe) uu ku sharfey.
ย
Salaan Maxamed Xirsi (Salaan Carabey) ayaa yidhi:
Xeer-beegti murantaa gartey, xeelli hadashaaye
Xubin rag isku waajahey hadday, xayga ka caddaato
Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara’e
Rag uun baan xisaab talo aqoon, xinna loo diraye.
Waxa aan lee’ahay:
Mar haddii aanay taariikh kale haynin, oo soo’yaal kale oo ay soo bandhigaanna aanay haynin, waa iska xumbo cuskadayaal.
ย
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com